UK oo ka hadashay aqoonsiga Somaliland

by admin | Tuesday, Nov 6, 2018 | 800 views

Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay sida ugu wanaagsan ee ay aqoonsi ku heli karto Maamulka Somaliland.

Afhayeenadda Waaxda arrimaha dibadda Dowladda Ingiriiska oo la hadashay Wargeyska Financial  Times, ayaa  sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu ku xiranyahay in ay la heshiiso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in Somaliland aysan aqoonsi ku heleyn inta aysan qeyb ka ahayn ama diideyso Wadahadalka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa sanadkii 1960kii ka baxday Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya,waxaana afar maalin kaddib Koofurta Soomaaliya ka baxay Talyaaniga halkaas oo uu ka dhashay Israacii Soomaaliya.

Hayeeshee Markii ay bur burtay Dowladdiii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ayey Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya,inkasta oo 30 Sano ku dhawaad aysan wali Somaliland helin dal aqoonsada.

Like it? Share it!

Leave A Response