Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dadkii AMISOM ay maanta dishay

by admin | Tuesday, Nov 6, 2018 | 782 views

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo sidan u qornaa:-

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM.

“Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta,iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna Ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response