Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha Shacabka ee maanta ?

by admin | Wednesday, Nov 7, 2018 | 805 views

Waxaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka.

Sida uu qorshaha yahay ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista iyo hawada iyo aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mashruuca liil tirka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.

Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.

Like it? Share it!

Leave A Response