Wararkii ugu dambeeyay ee doorashadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed

by admin | Wednesday, Nov 7, 2018 | 775 views

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee mamaulka Koonfur Galbeed waxaa saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Cusub ee kusoo korortay doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

12 Xubnood ee ka haray guddigii doorashadda Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ay sii wadayaan Shaqadda,islamarkaana doorasho ay ku dhici doonto xilligii loogu tala galay.

15 xubnood ka mid ah Guddiga doorashadda ayaa horay ugu dhawaaqay in ay joojiyeen shaqaddii loo idmaday ka dib markii dowladda dhexe ay ku eedeeyeen in ay dhibaato weyn ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Iftin oo ka mid ah 12-ka xubnood ee ku haray guddigii shaqadda ka tagay ayaa sheegay in doorashadda ay ku dhici doonto 17 Bishaan oo ah xilligii loo asteeyay,islamarkaana aysan aqbali doonin in dib loo dhigo.

Saacaddihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda cusub ee  ka taagan doorashadda Koonfur Galbeed ayaa ka dhacay Magaalada Baydhabo, waxaana musharaxiinta qaarkood ay sheegeen in ay ku jahwareereen Xaaladda Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response