Waa Kuwee Qodobada Ugu Muhiimsan ee Wax Laga Badalay Dastuurka?

by admin | Sunday, Mar 31, 2024 | 31 views

Baarlamaanka Soomaaliya ee ka kooban labada aqal ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyey dib u eegidda dasturuka KMG iyo wax ka beddelka qaar ka mid ah afar cutub oo dastuurka ku jira.

Qaar ka mid ah waxyaabaha la beddelay waxaa ka mid ah muddada xil haynta madaxweynaha oo laga dhigay 5 sano, halkii ay markii hore afar sano ahayd, ayadoo madaxweynahana uu ku imaanayo doorasho ay shacabku soo dooranayaan.

Waxaa kaloo wax laga beddelay arrinta ku saabsan guddiga doorashooyinka oo markii hore ahaa mid madax banaan, laakinse wax ka beddelkan uu ka dhigayo mid uu madaxweynuhu magacyada xubnaha qoraal ku soo saaro marka ay soo jeedin uga timaado golaha wasiirrada.

Qodobada kale ee wax laga bedelay waxaa kamid ah arrimaha ay siyaasiyiinta aadka uga qayliyeen ee u badan awoodaha madaxweynaha sida magacaabidda ra’iisul wasaaraha iyo doorashooyinka dalka oo guddiga uu madaxweynaha soo magacaabayo ay qabanayaan.

Waxaa sidoo kale la bedelay magacii horey loogu yeeri jiray madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira ee ahaa Madaxweyne, waxaana hadad kadib loogu yeeri doonaa madaxdaasi magaca hoggaamiye.

Arrimaha aan wax laga beddelin ee dib loo dhigay waxaa ka mid ah qodob hadal hayn badan dhaliyey oo ah da’da qaangaarnimada, da’da qaangaarnimada ayaa laga dhigay 15 sanno halkii ay markii hore ka ahayd 18 sano.

Waxaa kaloo dib loo dhigay oo ku jiray nuqulkii loo qaybiyey xildhibaannada Khamiistii “xaqa nolosha” iyo “xorriyadda diinta”.

Sababta dib loogu dhigay ayaa lagu sheegay in la tashiyo iyo cilmi baaris dheeraad ah lala yeelanayo hadba cidda aan looga maarmin, sida lagu xusay qoraal uu guddoonka baarlamaanka u gudbiyey guddoomiyaha guddiga dib u eegidda iyo la socodka hirgelinta dastuurka Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidoow).

Sida uu dhigayo qodobka 5aad ee habraaca wax ka beddelka dastuurka ee hore uu baarlamaanku u ansixiyey, waxaa qodobbada dastuurka loo soo gudbin doonaa cutub-cutub. Maanta waa afar cutub waxa la ansixiyey, cutubyada kalena way ku xigi doonaan ilaa cutubyada dastuurka oo dhan la wada ansixiyo, ka dibna inta la isku keeno ayaa dastuurka oo buuxa laga tala galin doonaa maamul goboleedyada, ayadoo markaasna 3 meelood oo 2 loo baahanaan doono xildhibaannada inay ansixiyaan, taasna way ka duwan tahay sidii maanta loo ansixiyey oo ahayd aqlabiyad hal dheeri ah” ayuu yiri Dr Sakariye Yuusuf oo ah sharci yaqaan daraasad ku sameeyey dastuurka.

Waxaa hore uga biyo diiday siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweyneyaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale.

Laakinse madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aad u doonayey in la qabyo tiro dastuurka muddada uu xilka hayo ayaa hore u sheegay in ay sidaas u samaynayaan labo ujeedo; waa midda koowaade in dadka laga ilaaliyo wax kasta oo ay ku kala qaybsami karaan iyo in lagu dhiirado wax kasta oo horey uga dhaqaajin kara wadanka halka uu maanta taagan yahay.

Bishii August ee sanadkii hore xildhibaannada labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dood aan loo kala kicin labo maalmood oo xiriir ah ka yeeshay habraaca loo marayo wax ka badalka qodobada qaar ee ku jira Dastuurka kumeel-gaarka ah, waxaana argatidooda dhiibtay xildhibaano kor u dhaafay 50, waxayna muujiyeen aragtiyo iska soo horjeeda oo qaar baa doonayay in sidooda lagu qaato qodobada wax ka badalka dastuurka ee ka yimid Golaha Wadatashiga Qaranka, halka kuwa kale ay gabi ahaanba diideen in qodobadaas hadda la taabto, inkastoo aakhiritaankii maanta si aqlabiyad leh loo ansixiyey.

Like it? Share it!

Leave A Response