Waan waan markale laga dhex billaabay Farmaajo iyo Rooble

by admin | Tuesday, Sep 21, 2021 | 223 views

Iyada oo weli uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa markii labaad laga dhex bilaabay waan waan lagu xalinaayo khilaafkooda oo ka dhashay kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil.

Xalay waxaa waan waanta bilaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ay wehliyaan Shan Wasiir iyo labo Wasiir kuxigeen ,kuwaas oo doonaya in si deg deg ah xal looga gaaro khilaafka Madaxsa Sare ee dowladda, kaas oo saameeyay Hay’adaha qaar ee dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta waan waanta wada ayaa markii hore waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo kadibna ay u gudbeen dhinaca Ra’iisul Wasaaraha.

Wararka laga helay kulamadii dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in qodobka kaliya ee la isku mari la’yahay uu yahay Madaxweyne Farmaajo oo dalbadanaya in loo daayo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ee uu Magacaabay, qodobkaas oo dhinaca Ra’iisul Wasaare Rooblenuu aad ugu adag yahay.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed Cabdi Casiis laftagareen iyo Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa todobaadkii hore waxaa ay waan waan ka dhex bilaabeen Farmaajo iyo Rooble, balse wada-hadalladii ay fashilmeen.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa siweyn looga dareemay Gudaha dowladda , kaas oo saameeyay qaar kamid ah Hay’adaha dowladda Soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response