Wabiga Jubba oo fatahaad ka sameeyay Degmada Jamaame Gobolka Jubada Hoose.

by admin | Sunday, Nov 13, 2022 | 290 views

Wabiga Jubba ayaa fatahaad ka geystay Dhul beereed ku dhaw Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose waxaana ka dhashay Khasaara soo gaaray abuurkii ku duugnaa dhulkaas oo ay sugayeen dadkii beertay.

Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Beeraha DG Jubbaland ayaa sheegay in ay wadaan dedaal lagu xakameynayo fatahaadda maadaama ka faaiideysiga biyaha badan ee Wabiga uu keenay ay u baahan yihiin qoysas badan oo noloshiisa ku tiirsan.

Meelaha laga cabsida qabo in uu karkaarada ka jabsado Wabiga Jubba waxaa la dhigay Jawaanno carro lagu shubay si loo badbaadiyo dhul-beereedka baaxadda weyn ee uu maro balse uusan ku fatahin.

“Wabiga Jubba ayaa fatahaad nagu sameeyay, waxa aan u baahanahay in nalaga caawiyo sidii looga hortagi karaa saameyn kale uu geysan karo, waxa uu iga saameeyay Galley, Sisin & Dallag kale oo aan sugayay in aan suuqa geysto si lacagta aan kusoo iibsado ugu maareeyo nolosha qoyska” Sidaasi waxaa yiri qof kamid ah beeraleyda dhulkooda Wabiga Jubba Ku fatahay.

Qoysaska degen deegaannada u dhaw meelaha uu maro Wabiga Jubba ayaa isaga barakacay kaddib markii ay cabsi ka muujiyeen in uu karkaarada ku jabsado, Mas’uuliyiin katirsan Deegaannadaas ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin kahortagga khatarta ka dhalan kart fatahaadda.

Like it? Share it!

Leave A Response