Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

by admin | Tuesday, May 25, 2021 | 432 views

Fatahaadaan ayaa xalay Wabiga Shabeelle waxaa uu ka sameeyay Xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne e Xarunta Gobolka Hiiraan kadib markii Wabiga uu keenay biyo aad u farabadan.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Wabiga uu fatahaada ka sameeyay Xaafada dhagax jibis qeybo kamid ah, isla markaana ay aminsan yihiin in Biyaha dad mas’uuliyiin ah ay fureen.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Guddiga fatahaadaha Magalada Beledweyne ay wadeen dadaalo ay uga hortagayaan fatahaada, iyaga oo bilaabay dhismaha Biyo Xireeno iyo Kiliyaal si uusan u fatahin Wabiga.
Qaar kamid ah dadka ku nool Xaafada dhagax jibis ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay bilaabeen inay ka barakacaan kadib markii qeybo kamid ah Xafada uu Wabiga ka fatahay ayna ka cabsi qabaan in uu markale fataho.
Sanadkaan ayaa dadka ku nool Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay dareemayaan inay ka badbaadayaan fatahaada Wabiga Shabeelle oo ay ka barakici jireen kaidb markii Guddiga fatahaadaha Magalada Beledweyne ay sameeyeen Biyo Xireeno, iyaga oo kaashanaya Maamulka gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response