Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

by admin | Tuesday, May 25, 2021 | 314 views

Waxaa xalay gudaha dalka Koonfur Afrika siyaabo kala duwan loogu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa kuwa Ganacsi ahaan u tegay dalkaas kana Shaqeeysanayay.
Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Goob ganacsi oo ku taal Xaafadda Soomaalida ee Bellville ee Magaalada Cape Town waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Yuusuf Ibraahim Saamacadde.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Kooxaha Burcadda ah ay doonayeen inay dhacaan Muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana gurmad u sameeyay soomali kale oo goobta ka dhawaa, balse aysan ku guuleysan inay qabtan kooxaha Burcadda ah.
Dhinaca kale waxaa isla xalay Xaafadda Soomaalida ee Mayfair ee Magaalada Johannesburg lagu dilay Muwaadin Soomaliyeed oo Magaciisa lagu sheegay Cabdikariin Gigis, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeysay xaaskiisa oo u dhalatay dalkaasi Koonfur Afrika una adeegsatay dilka bustoolad uu lahaa.
Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Xaafadda Soomaalida ee Mayfair ay gacanta ku dhigeen haweeneyda dishay Ninkeeda kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira arrimo qoys.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika joogto ka noqday dilalka loo geeysanayo Soomaalida, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay dalkaas lagu dilay ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo dilalkaas ay geystaan Burcad Koonfur Afrikan ah.

Like it? Share it!

Leave A Response