Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Afisiyooni & qodob adag oo horyaal{AKHRISO}

by admin | Tuesday, May 25, 2021 | 284 views

Waxaa Maanta Maalintii Afaraad oo xiriir ah galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee ka socda Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada Soomaaliya, iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September iyo kii Guddiyada farsamo ee Magaalada Baydhabo ayaa waqti badan qaatay.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in shirka la soo geba-gabeeyo, hayeeshee uu dib u dhacay sababo la xiriira qodobka arrinta doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi oo ay isku heystan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar).
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta & Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulamo gooni gooni ah waxaa ay la qaateen Guddoomiyaha Aqalka sare si xal looga gaaro khilaafka siyaasiyinta Gobolada Waqooyi oo isku heysta Guddiyada doorashooyinka ee la Magacaabi doono, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in is-afgarad aan badneyn laga gaaray.
Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in la sii amba qaado Shirka wadatashiga doorashooyinka ee Afisiyooni, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay shirka kusoo bandhigi doonaan wixii ay kala soo kulmeen Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Like it? Share it!

Leave A Response