Wadamada Shiinaha iyo Ruushka oo sameysanaya Ganacsi ka madax banaan Mareykanka

by admin | Saturday, Jun 8, 2019 | 763 views

Madaxwehnaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, ayaa sheegay in loo baahan yahay isbadal lagu sameeyo dhaqaalaha Caalamka.

Hogaamiye yaashaan ayaa sheegay in cadaadiska Mareykanka uu dhibaato ku hayo ganacsiga ka jira Dunida.

Madaxweyne Putin ayaa canbaareeyay qaabka uu u shaqeynayo xiligaan suuqa Ganacsiga,kadib hadal uu ka jeediyay kulanka caalamiga ah ee dhaqaalaha oo ka dhacay magaalada Petersburg Jimcaha Maanta.

Mr Putin ayaa sheegay in xukuumada Washington ay kordhisay cadaalada darada ay kula dhaqmeyso hanaanka ganacsi ee ka jira Dunida waxaana uu canbaareyay cunnaqabateynta ay ku heyso dalalka Qaar.

Hogaamiyaha Ruushka ayaa tilmaamay in arintaan uu door weyn ka cayaarayo isticmaalka lacagaha Dollar-ka Mareykanka.

Ugu danbeyn waxuu cadaalad darro ku tilmaamay xayiraada uu Mareykanka saaray shirkada dhanka Technoolajiyada ee Mareykanka ee Huawei.

Putin ayaa sheegay in arintaan aysan ka joojin doonin in wadamada caalamka ay yeeshaan ganacsi nolol ay ku dheehan tahay.

Like it? Share it!

Leave A Response