Warbaahinta Madaxa bannaan oo loo diiday ka qeyb galka Kulamada Baarlamaanka

by admin | Saturday, Oct 19, 2019 | 648 views

Warbaahinta Madaxa bannaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa loo diiday ka qeyb galka iyo soo tabinta kulamada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

 

Kulamada Golaha Shacabka ayaa wixii hadda ka dambeeya ka dhici doona Xarunta Villa Hargeysa, halkaasoo laga dhisay hool weyn oo ay ku shiri karaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha muqdisho ayaa tallaabadan ka sameeyay gadood, iyagoo sheegay inay xaq u leeyihiin warbaahinta inay xarumaha dowladda ka hesho wararka.

Wariyeyaasha ayaa arrintan ku tilmaamay mid ka dhan ah xoriyatul qowlka in loo diido kulamada Baarlamaanka, taa bedelkeed loo soo dirayo muuqaalada kulamada iyo hadal jeedinta Xildhibaanada.

Madaxtooyada Villa Somalia iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa horay Wariyeyaasha u diiday inay soo tabayaan wararka ama inay galaan-gal u yeeshaan xafiisyadooda, taas bedelkeed Xafiisyada warbaahinta ayaa muuqaalada ay duubaan u soo dira, iyadoo la soo jar-jaro.

Like it? Share it!

Leave A Response