Wariye lagu xiray Magaalada Hargeysa

by admin | Monday, Jun 8, 2020 | 472 views

Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta Ciidamada Soomaaliland ay Xabsiga dhigeen Wariye Cali Fahad Jaamac oo kamid ah Wariyeyaasha SAAB TV Xaruntiisa Magaalada Hargeysa.

Wariyaha ayaa waxaa Wariyeyaal ku sugan hargeysa ay sheegen in la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada,isla markaana xilliga la qabanayay uu ku sugnaa meel aan ka fogeen Xaruntiisa Shaqada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha loo xiray Wariyaha,hayeeshee wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in 6-dii Bishaan uu Bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlay dhacdo ku saabsan gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska Soomaaliland oo magalada Boorame ku jiiray gaari ay wateen dad Shacab ah,kadibna uu ka tegay.

Wariyeyaasha Magaalada Hargeysa qaarkood ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii loo siideyn lahaa Wariyaha u xiran Ciidamada kana mid ah Wariyeyaasha SAAB TV Xaruntiisa Magaalada Hargeysa..

Like it? Share it!

Leave A Response