Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay tallaabooyin lagu xoojinayo nidaaminta dawooyinka iyo horumarinta caafimaadka

by admin | Sunday, Jul 16, 2023 | 197 views

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay qaadayso tallaabooyin lagu nidaaminayo qeybaha kala duwan ee caafimaadka, sida dawooyinka, qalabka caafimaadka, bayoolajiga, daawo dhireedka, iyo kuwa la isku qurxiyo, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo nidaamka caafimaadka qaranka.

Wasaaraddu waxay warkan ku sheegtay bayaan ay soo saartay, iyadoo iftiimisay qorshaheeda ku aaddan hirgelinta diiwaan gelinta, shatiyada oggolaanshaha, kormeerka tayada, iyo guud ahaan tallaabooyinka xakamaynta marka la gaaro Julaay 20, 2023.

“Soodejiyaasha alaabta caafimaadka, daawooyinka la isku qurxiyo, iyo daawo dhireedka waxaa lagula talinayaa inay la xiriiraan Xafiiska Ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Dawooyinka Qaranka (NMRA) ee hoos yimaada Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, si loo helo macluumaad dheeraad ah oo arrintan la xiriira,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Iyadoo xoogga la saarayo muhiimadda ay leedahay xaqiijinta waxtarka wax-soo-saarka caafimaadka, Wasaaraddu waxay sheegtay inay abuurayso kalsoonida bulshada ee ku aaddan tayada dawooyinka la heli karo, si kor loogu qaado natiijooyinka guud ee daryeelka caafimaadka ee dalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay tallaabooyinkaan u qaadayso, iyadoo ka ambaqaadaysa warbixintii qiimeynta ahayd ee ku saabsanayd heerka nidaaminta dawooyinka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response