Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir oo bilowday dhegaysiga dacwadda kalluumaysato ajaanib ah

by admin | Sunday, Jul 16, 2023 | 181 views

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo axad ah u fariisatay dacwad ka dhan ah 36 Eedeysane oo ajaanib ah, kuwaasoo horay ay u xukuntay Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir.

ⓘ
Eedeysanayaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkooda, taasoo keentay in mar kale maanta la dhageysto dacwadooda.

Kalluumeysatadan oo u kala dhashay dalalka Iran iyo Pakistan ayaa laga soo qabtay xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, xilli ay kalluumeysi sharci darro ah ka wadeen xeebaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday in saddex jeer oo dacwadooda la dhageystay, ay Maxkamadda Gobolka soo saartay xukun, iyadoo qofkiiba lagusoo rogay ganaax lacageed oo dhan $11,000. Intaa waxaa dheer, maxkamaddu waxay ku amartay inay dowladda Soomaaliya siiyaan $30,000 oo dheeraad ah, oo ah magdhowga kalluunkii ay sida sharci-darrada ah uga gurteen biyaha Sooamaliya.

Go’aanka maxkamada ayaa xooga saaraya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta kheyraadka badda iyo la dagaalanka kaluumeysiga sharci darrada ah. Iyadoo lala xisaabtamayo kalluumaysatada ajnabiga ah.

Laga soo bilaabo Jannaayo 2023, caddaymo ay aruurisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa muujinaya maraakiib badan oo kalluumeysi oo ajnabi ah oo si sharci darro ah uga shaqeynaya Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ).

Like it? Share it!

Leave A Response