DF oo shaacisay arrin ku qasabtay in dalal kale ciidan ka dalbato kadib markii ATMIS…

by admin | Monday, Jul 17, 2023 | 183 views

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo xalay marti ku ahaa barnaamij Twitter Space ah oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed uu qabtay ayuu ku soo bandhigay qorshaha dowladda hanashada amniga qaranka.

Xuseen Sheekh ayaa aad u sharaxay qorshaha dowladda ee dhinacyada la wareegidda amniga qaranka, bixitaanka ciidanka ATMIS, qaadidda cunaqabateynta hubka ee dalka saaran, dhismaha ciidanka qaranka iyo dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo.

Sida uu cadeeyey Xuseen Sheekh, howlgalka ATMIS wuxuu ku fashilmay qorshihii magaca looga bedelay oo ahaa in ciidanka qaranka ay dalka kala xoreeyaan kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay inay ku andacoodaan inay ka maqan tahay saanad ay dalbadeen, sida diyaarado dagaal iyo agab kale.

Si looga maarmo ATMIS, dalkana looga xoreeyo Al-Shabaab, wuxuu sheegay inay dalbadeen ciidamo dheeraad ah oo ka imaanaya dalalka la isku yuraahdo safka hore, kuwaas oo ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku garabsiin doona wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab.

Hadda wuxuu sheegay inay soo gabagabeynayaan wajigga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla markaana la bilaabayo wajiga labaad oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada ka socda wadamada safka hore.

Sidoo kale, Xuseen Sheekh wuxuu hoosta ka xariiqay in 18 bilood ay qorsheeyeen in dalka looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, si loo soo gabagabeeyo howlgalka ATMIS oo dowladda Soomaaliya ay si buuxda u hanato guud ahaan amniga dhulka
Wuxuu sheegay dhaqaalaha ay ciidanka ATMIS ku bixiyaan dalalka Midowga Yurub in loo wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya, isagoo xusay in ciidankii hordhaca u ahaa bixitaanka ATMIS oo 2,000 gaaraya mushaarkoodii loo wareejiyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Dhismaha ciidanka ayuu sheegay inay muhiimad gaar ah siinayaan, isagoo hoosta ka xariiqay in hadda dowladdu ay heysato ciidamo ku filan inay gobollo kala duwan kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Xuseen Sheekh wuxuu sheegay inay aad ugu ololeyneyso dowladda Soomaaliya in laga qaado cunaqabateynta hubka ee sanadaha badan saaran dalka, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in dhawaan ay dowladda Soomaaliyeed soo iibsan doonto hub aan lagu koontorooleyn, markii ay ku guuleysato in laga qaado cunaqabateyntaan.

Like it? Share it!

Leave A Response