Wasaarradda Amniga gudaha oo beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada{Akhriso}

by admin | Sunday, Mar 24, 2019 | 861 views

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada.

Warka lagu baahiyay baraha bulshada oo ay Wasaarraddu ka jawaabtay ayaa lagu sheegay in Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ku wargaliyay Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Qatar in ay jirto dhaqaale xumo dhinaca bixinta mishaaraadka ciidamada oo food saartay dowladda Soomaaliya.

Wasaarradda ayaa hadalkaa ku sheegtay mid la doonayo in lagu marin habaabiyo bulshada oo ah been abuur aan waxba ka jirin, islamarkaana jirin wax mishaar kabis ah oo ay Wasaarradu weydiisatay dowladda Qatar.

Hoose ka Akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaarradda :

Like it? Share it!

Leave A Response