Wasiirka Kallumeysiga XFS oo kulan la yeeshay ayaa dalka Talyaaniga kula kulmay taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha

by admin | Thursday, Feb 16, 2023 | 249 views

Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa dalka Talyaaniga kula kulmay taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Commando Enrico Arena.

Taliyaha ayaa wasiirka kusoo dhaweeyey Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha isaga oo uga warbixigey shaqada ay qabtaan iyo sida ay ula socdaan dhaqdhaaqa baddooda sida Kalluumeysiga, Socdaalka iyo ka hortagga wasaqeynta badda iyo xeebaha.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa uga mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha soo dhaweynta heerka sare ah ee ugu sameeyey Taliska iyo warbixinta uu la wadaagay isaga oo u sheegay Soomaaliya ay diyaar u tahay in wixii farsamo iyo waaya-aragnimo ah ee ay leeyihiin ay ka faa’iideysato si gaar ah dhinacaya horumarinta Kalluumeysiga iyo ka hortagga iyo la socodka Kalluumeysiga Sharci darrada ah.

Dhanka Kale Wasiir Axmed iyo waftigiisa ayaa booqday Mahadcadka cilmibaarista Baddaha ee dalka Talyaaniga xaruntiisa magaalada Mazara del Vallo waxaana uu warbixin u ku saabsan sida ay u shaqeeyaan ka dhageystay madaxda iyo mas’uuliyiinta machadka, waxa ay la wadaageen shaqooyinka iyo cilmibaarista la xiriirta badaha.

Like it? Share it!

Leave A Response