Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ku yaal duleedka Kismaayo

by admin | Friday, Apr 22, 2022 | 587 views

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin degaanka Baarka oo hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka la weeraray ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Jubbaland & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Jubbaland a, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen Ciidamad, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Jubbaland dhankooda ay howlgallo ka sameeyeen degaannada ku dhow dhow degaanka Baarka, iyaga oo ka jawaabaya weerarka hoobiyeyaasha ah ee lagu soo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baarka oo kamid ah degaannada laga ilaaliyo magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan.

Like it? Share it!

Leave A Response