Xiisad la xiriirta doorashooyinka Puntland oo ka taagan gobolka Mudug

by admin | Saturday, May 20, 2023 | 254 views

Wararka ka Imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka Tirsan mucaaradka Puntland ay Fariisimo ka sameystay togga Wadada laamiga ah ee dhexeysa Laacdheer , Gaalkacyo iyo sidoo kale dhoodida Bixin ee laamiga waqooyi.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay wataan Gaadidka dagaal kuwaas oo ka soo horjeeda in la qabto doorashada Golayasha degaanka ee puntland

Sidoo kale, ciidamada Maamulka Puntland ee loo diyaariyay in ay qaadaan sanaadiiqda cod-bixinta ee degmooyinka Mudug iyo Nugaal ayaa ku sugan Garoowe welina lama qaadin sanaadiiqda.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee diiddan sida la sheegay doorashooyinka qof iyo cod ayaa sida la sheegayo dalbanaya in marka hore Madaxweyne Deni uu caddeeyo mowqifkiisa doorashada madaxtooyada Puntland ee 2024.

Like it? Share it!

Leave A Response