Xildh. Jeesoow: ‘waxaan soo jeedinayaa in wasiirrada ay 4ta sano la dhameystaan madaxweynaha’

by admin | Tuesday, Nov 20, 2018 | 826 views

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya, ayaa ka hadlay isbeddalada deg degga ah ee mararka qaar lagu sameeyo Wasiirada Somaliya.

Xildhibaan Jeesoow oo ka hor hadlayay kulankii u danbeeyay ee golaha Shacabka oo ay yeesheen Isniintii, waxa uu ku sheegay in ay muhiim tahay in mudada Madaxweynaha xukunka hayo ay la dhameystaan Wasiirada Xukuumada Somaliya.

Waxa uu tilmaamay in la arkay Wasiiro xafiiska fadhiyay wax ka yar 3 Bil kuwaasoo markii dambe shaqada laga eryay, Arintaasi ayuu sheegay in ay tahay mid Niyad jabineysa wasiirada kale ee xafiiska fadhiya.

Si Kastaba, Golaha Shacabka ayaa Shalay aqrintii 2-aad marsiiyay sharci ku saabsan xuquuqda Liil-tirka (Dhayma-nololeedka) Siyaasiyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sharcigan ayaa Siyaasiinta DFS u ogolaanaya in ay helaan gunno ka ilaalisa in ay noloshoodu xumaato marka ay xilka ka dagaan kadib ama ay hawlgab noqdaan

Like it? Share it!

Leave A Response