Xildhibaan Xil Ku Waayay Dhaar Uu Gafay Awgeed{AKHRISO}

by admin | Thursday, Dec 10, 2020 | 410 views

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Tanzania ayaa xil wasiirnimo ah waayay kaddib markii xilli la dhaarinaayay uu gafay dhaartii .

Francis Ndulane,oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta ayaa isku dayay marar badan erayada ka hor inta aanan laga codsanin inuu kursigii ku laabto.

Muuqaal munaasabadda laga duubay ayaa waxa lagu baahiyay barta twitter-ka.

Madaxweynaha dalka Tanzania Mr Magufuli, ayaa sheegay inuu dhamaan wasiiradda dib u eegis ku sameeyay ka hor inta uusan magacaabin balse wuxuu ku daray in Mr Ndulane lagu badeli doono qof kale.

“Waxaan xilkan u magacaabi doona qof si wanaagsan dhaarta u qaadi kara.”Ayuu yiri madaxweynaha.

Like it? Share it!

Leave A Response