Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo qeylo dhaan ka soo saaray qabsashada Al-Shabaab ee magaalada Geriley

by admin | Thursday, Jul 20, 2023 | 229 views

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa walaac xoogan ka muujiyay joogitaanka magaalada Geriley ee Ururka Al Shabaab. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa rajo xumo ka muujiyay in aysan jirin wax gurmad ah oo loo fidiyo Ciidamada Dowladda.

Xildhibaan Mursal M Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ah Guddiga Difaaca ayaa tilmaamay in aysan jirin wax gurmad ah oo loo fidiyo ciidamada dowladda.

“5 maalmood ka dib markii Al-Shabaab ay soo galeen magaalada Geriley, ma jirto wax gurmad ah oo soo gaaray ciidamada Soomaaliya ee markii hore ku sugnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Mursal M Khaliif

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay kaalmo deg deg ah oo ka timaada beesha caalamka si loo xoojiyo ciidamada amaanka, waxa uuna ka digay qatarta ka dhalan karta hadii aan la xoojin ciidamada.

“Haddii ciidamadan dowladda Soomaaliya aysan si deg deg ah u xoojin beesha caalamka, waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay kordhin doonaan saldhigyada ay ku leeyihiin xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana dhici doonta in magaalooyin badan ay hoos yimaadaan gacantooda, taas oo khatar gelineysa amniga iyo wanaagga bulshooyinka labada dhinac. ee xuduudda,” ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanka ayaa sheegay in guulo laga gaaro dagaalka lagula jiro Al-shabaab ay ku xiran tahay sidii loo garab istaagi lahaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamed Sayid Aadan uu booqasho ku tagay gobolka Gedo. Madaxweyne ku xigeenka ayaa horay walaac uga muujiyay bixitaanka ATMIS.

Isagoo sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid aan si sax ah looga baaraandegin, isla markaana aan si fiican looga fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara amniga qaranka.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Geriley, iyagoo ku guuleystay inay la wareegaan saldhiggii Geriley ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Intaa waxaa dheer, waxay sidoo kale qabsadeen saldhigyadii ay faarujiyeen Ciidanka Difaaca Kenya laba toddobaad ka hor, taas oo qayb ka ahayd Wajiga Koowaad ee dhimista ciidanka ATMIS.

Like it? Share it!

Leave A Response