Xisbiga Kulmiye oo soo dhaweeyay go’aankii Guddida Doorashooyinka Somaliland

by admin | Thursday, Jul 20, 2023 | 88 views

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay guddida doorashooyinku ku mudeeyeen wakhtiga doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xisbiga ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay soo dhawaynayaan go’aanka guddida.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu si buuxda u taageerayaa go’aanka ay soo saareen koomiishanka doorashooyinku ee ku aadan kala horaynta iyo jadwalka sida ay doorashadu u dhacayso oo ay ugu soo horayso doorashada xisbiyadu oo ay ku xigto doorashada madaxtooyadu” ayuu yidhi Kaahin.

Sababta taageeradooda go’aanka guddida ayuu ku tilmaamay in dastuurku uu Somaliland u yahay hage isla markaana ay Somaliland kusoo caano maashay ilaalinta dastuurka, guddiduna ay ku dhisantahay sharci.

Waxa uu sheegay in dhamaan xisbiyada hada jira ay kusoo baxeen doorashooyinka ururada, isla markaana anay maanta diidi karin “Anaga oo Kulmiye ah oo labo jeer ururo kusoo baxnay, waxa aanu maanta ku diidnaa waa qaran dumisnimo” ayuu yidhi Kaahin.

Ilaa iyo hada xisbiga UCID ayaa si cad u diiday go’aanka guddida, xisbiga Waddani ayaa sheegay in ay ka tashanayaan go’aankii ay qaadan lahaayeen, isla markaana 10 ka urur siyaasadeed ee cusub iyo xukuumada ayaa go’aanka guddida si buuxda u taageeray.

Like it? Share it!

Leave A Response