Faahfaahino :kasoo baxaya weerar ka dhacay duuleedka magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Jul 20, 2023 | 154 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay saqdii dhexe dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidanka dowladda fedaraalka Soomaaliya ay ku leyihiin deegaanka Arbacoow oo ku yaala agagaarka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka nooc yadiisa kala duwan, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Xaalada deegaanka Arbacoow ayaa ah saakay mid dagan, walow aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka Xalay ka dhacay deegaankaas.

Saldhiga Xalay uu weerarka ka dhacay ee deegaanka Arbacoow ayaa ka mid ah Saldhigyada ay dhawaan ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ku wareejiyeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dhowr habeen ka hor ayay aheyd markii weerar noocaan oo kale ah ay kooxda Al-shabaab ka geysatay barkoontarool oo ku yaala degmada Deyniile, halkaas oo ay ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugna Koontaroolka Tiida ee ku yaala wadada xariirisa Dayniile iyo Daarusalaam.

Like it? Share it!

Leave A Response