Xoghayaha Difaaca Mareykanka & Madaxweynaha Jabuuti oo kawada hadlay Howlgallada Militari ee ka socda Geeska Afrika.

by admin | Sunday, Sep 24, 2023 | 103 views

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo safar ku tagay Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin kala duwan oo Xukuumaddiisa katirsan.

Austin & Geelle ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka dhinaca Difaaca ah ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, howlgallada ka socda Qaaradda Afrika gaar ahaan Bariga iyo arrimo kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan oo dhiggiisa Mareykanka Lloyd Austin waxa ay is dhaafsadeen arrimaha la xiriira dhanka Militariga maadaama Mareykanka uu saldhig ku leeyahay Jabuuti.

Austin ayaa Madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti u sheegay in uu muddada uu joogo dalkaas uu booqan doonno saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Waddankaan ee Lemonnier si uu usoo ogaado xaaladda & xaqiiqada halkaas ka jirta.

Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Jabuuti si faah-faahsan uma shaacin in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ay kawada hadleen xaaladda Soomaaliya maadaama labada dhinac Ciidamo ay ka joogaan.

Safarka Xoghayaha Difaaca Mareykanka keliya Jabuuti ma ahaan doonno oo waxa uu tagayaa Dalalka Kenya iyo Angola sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Waaxda uu hoggaamiyaha u yahay Lloyd Austin.

Fasiraad kala duwan ayaa laga bixiyay safarka Xoghayaha Difaaca Mareykanka sida in uu doonayo xoojinta xiriirka dhinaca Difaaca & Militariga maadaama ay is hayaan Dalka Ruushka oo damacsan in uu ku xidideysto Qaaradda Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response