Xubin ka tirsanaa AL-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda Somalia

by admin | Wednesday, Oct 25, 2023 | 120 views

Muqtaar Maxamed Isaaq oo ka mid ahaa dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibay qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Horjooge Muqtaar ayaa sheegay in uu alshabaab ka tirsanaa laba sana iyo bar, isagoo kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool.

Muqtaar Maxamed Isaaq ayaa sheegay in aysan jirin cid ku qalqaalisay ka mid noqoshada Shabaab, haatanna uu si iskiis ah ugu soo baxay.

Xubintaan la tirsanaa AL-Shabaab ee isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda ayaa sidoo kale  waxaa uu farriiin u diray saaxiibadiisa ka tirsan Alshabaab, isagoona ugu baaqay in ay isaga soo baxaan.

Muqtaar waxaa uu Al-Shabaab  u qaabbilsanaa qaybta  Jabhadda ee gobolka Bokool.

Like it? Share it!

Leave A Response