Madaxweyne Deni oo Weerar ku qaaday madaxda dalka kana horyimid go’aannadii golaha

by admin | Wednesday, Oct 25, 2023 | 100 views

Madaxweynaha maamulka Puntland oo maanta furay kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa jeediyay khudbo xasaasi ah oo uu arrimo dhowr ah uga hadlay.

 

Siciid C/llaahi Deni ayaa ku eedeeyey Madaxda DFS in ay qaadeen dhabo kala dhantaalaya midnimada dalka, wuxuuna sheegay in heshiiskii madasha wadatashiga  uu muujiyey sida ay Madaxda Soomaaliya halis ugu horseedayaan dalka, kana tagayaan nidaamka Faderaalka.
Waxa uu sheegay in wax ka bedelka Dastuurka sida khaldan lagu wado ay dhali karto halis weyn, sidaas oo kale abuurida MW Kuxigeenka, iyadoo la tirtirida Jagada RW awood leh, Labo xisbi siyaasadeed iyo dhammaan arrimahaas ay yihiin kuwa aan sharci aheyn, dad yarna go’aan ka gaari karin.

 

Deni ayaa tilmaamay in danaha shaqsiga ah aan laga eegin xaalka Soomaaliya & go’aanada la qaadanayo, haddii layska saxiixo heshiisyo ayuu sheegay in ay dalka halis u horseedayaan.

 

“Madashu maaha Hay’ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin & dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato, oo iyadu ka talisa” ayuu yiri Siciid Deni.

Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday muranka doorashada maamulkiisa, isagoo xubnaha xil doonka ah ka dalbaday iney taageeraan hanaanka gudidga doorashada ay shaqada u wadaan

Like it? Share it!

Leave A Response