Faysal Cali Waraabe: Xasan Sheekh in la fashiliyo ayaa la doonayaa

by admin | Wednesday, Oct 25, 2023 | 101 views

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in dad ay doonayaan inay la fashiliyaan dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee nabadaynta Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dad ay ku hawlanyihiin in la fashiliyo dagaalka uu madaxweynuhu kula jiro Al Shabaab, lakiin uu isaga laftiisu isfashilinayo.

“Xasan Sheekh intaasoo jeer ayaan idhi hala caawiyo in la fashiliyo ayaa la doonayaa, lakiin isagii ayaa is fashilinaya, ma jirto meel maanta nabad ah 5-tii dowladood ee ay samaysteen, Hiiraan waad aragtay, Jubaland waad aragtay” ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Xasan Sheekh dad isku mid ahi ay kusoo qaadeen weerar isku mid ah, isla markaana ay rabaan in ay labadoodaba fashiliyaan, isaga oo sheegay in Somaliland ay isdifaacayso.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Somaliland wakhtigan la joogo anay mucaarad iyo muxaafad kala lahayn, isla markaana ay isdifaacayso, oo ay xuduudaheeda tagayso sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Dowlada Itoobiya ayuu fariin u diray, isaga oo ugu baaqay in Itoobiya anay marti galin salaadiin uu sheegay in ay ku fooganyihiin duminta Somaliland, si lamid ah sida Somaliland anay u martigalin mucaaradka Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response