Qaramada midoobay oo ka hadashay arimaha soomaaliya{Akhriso}

by admin | Wednesday, Oct 25, 2023 | 153 views

Iyadoo ka hadleysay Shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho oo lagu xusayay maalinta Qaramada Midoobay, ayey Ergayga Gaarka ah ee QM Catriona Laing, ku baaqday in horumar laga sameeyo geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya, iyadoo tiri “Dastuurku wuxuu qeexi doonaa doorarka.” Waxay kaloo xustay inay ka go’an tahay xaqiijinta ka qaybgalka haweenka ee nabadda iyo amniga.
Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, oo sidoo kale munaasabadda ka hadleysay waxa ay faahfaahin ka bixisay wada shaqaynta Qaramada Midoobay, dowladda iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo caddaaladda loo dhanyahay, gaar ahaan haweenka, dhallinyarada iyo kooxaha la haybsooco, iyada oo loo marayo wada-hadal bulsho, xallinta khilaafaadka, iyo hoggaaminta haweenka ee caddaaladda.
Halista ElNino ay ku yeelan karto xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya, iyadoo waliba malaayiin qof ay ku sugan yihiin cunto yari, ayuu Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ahna Iskuduwaha Arrimaha Gargaarka ee Soomaaliya, George Conway ku baaqay dhaqaale dheeraad ah si loo daboolo farqiga dhaqaale ee $2.6 bilyan ee Qorshaha Wax ka qabashada Bani’aadamnimada, isagoo ka dhinac hadlayey Ergayga Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya.
Dhankeeda, Aisa Kirabo Kacyira oo ah Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku xustay in guusha QM ee Soomaaliya lagu qeexi doono guusha marka Soomaalidu la wareegaan amniga iyo horumarkooda, waxayna mar kale xaqiijinaysaa in UNSOS ay ka go’an tahay taageerad ATMIS iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya xaqiijinta Soomaaliya oo nabad ah.
Gabagabadii shirka jaraa’id, masuuliyiinta QM waxay bogaadiyeen horumarka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay Ka gaareen, Nabadda, Horumarka, Xuquuqda Aadanaha, iyagoo carrabka ku adkeeyey sii joogteynta QM ee lagu gaarayo Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

Like it? Share it!

Leave A Response