Yuusuf Dabageed Oo Dhaliilay Madaxda Ugu Sarreysa Ee DFS

by admin | Monday, Oct 15, 2018 | 837 views

Maamulka gobalka hiiraan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka gaabiyeen xuquuqda ciidanka Booliska.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyaha gobalkaas ayaa xusay in boqolaal askari oo Booliis ah mushaar laga siiyo oo kaliya 60 askari.

Sidoo kale, Dabageed ayaa sheegay in dowladda ay mashquul ku tahay gobollo kale oo uu sheegay in dowladda carqaladeeyaan, balse iyaga oo aan ka leexan ammarada dowladda hadane aan ciidanka Booliiska xaqooda la siin.

“Dowladda waxa ay noo qabto iyo waxa ay noo hayaan waan aragnay, annaga waa inaan isku tashannaa” ayuu yiri Dabageed.

Dhanka kale, Dabageed ayaa sheegay in madaxda ugu sarreysa DFS ay safarro ku tagaan gobollada kale ee dalka, balse aanay socodkooda ku badneyn gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response