MADAXWEYNAHA KENYA OO KA HADLAY QORSHAHA CIIDAMADA KA JOOGO SOOMAALIYA.

by admin | Monday, Oct 15, 2018 | 803 views

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada xoogga Dalka Kenya ee kaliya ka baxayaan soomaaliya marka laga adkaado Alshabaab sidoo kalena lasoo celiyo xasiloonida Dalka.

Maalintii axadda ayuu sheegay Kenyaata in Ciidanka Kenya ee (KDF) in ay sii wadi doonaan joogitaankooda Gudaha Soomaaliya iyaga oo ku hoos shaqeenaya Howgalka Midowga afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa la burburiyo shabakadaha xariirka la leh Argagixisada.

“Waxaan  Soomaaliya tagnay sanadii 2011, waa aynu sii wadi doonaa joogitaanka wadankan ilaa dib looga soo celinayo nabad galyo Buuxda Gudaha soomaaliya,”ayaa yiri inta lagu jiray Todobo sanad guurada maalinka Ciidanka Kenya (KDF Day)  ee lagu qabtay Nakuru.

Maalinta Ciidanka Difaaca Kenya (KDF Day) ayaa loo Asteeyay in lagu xuso Ciidanka ku dhinta inta ay ku guda jiraan Shaqada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladiisu ay u mahadcelineyso, kuna faaneyso Ciidankooda Gobolka ka wada Howlgalka Ammaanka loogu soo celinayo gaar ahaan kuwa dagaalka kula jiro Al-Shabaab.

“Kenyaanku waa ay ku faanayaan ciidamadooda gaar ahaan hab dhaqankooda iyo sida ay naftooda halista u galiyeen si ay u difaacan gobolka” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Kenytatta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in xuduudaha Kenya la hubo amaankooda oo ciidanka Xoogga Kenya (KDF) ay qayb ka noqdaan Sugidda ammaanka.

Kenyatta ayaa ku booriyay Ciidamada Militariga Kenya in ay wadaan wada shaqaynta laamaha amaanka ee wada howgalada Nabad ilaalinta ee Gobolka.

Xafladda ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Dibada, Taliyaha Ciidanka Xoogga Kenya Gen Samson Mwathethe iyo Saraakiil Shaqada Ciidanka horay kaga  fadhiistay.

Like it? Share it!

Leave A Response