53 Sano jir sirdoon u ahaa Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

by admin | Saturday, Mar 9, 2019 | 1154 views

Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay ruux da’ ahaa oo la sheegay inuu sirdoon u ahaa Al Shabaab, kaasi oo u dhashay Dalka Kenya.

Backstone Agaro, oo 53 sano jir ah ayaa sheegay inuu sirdoon u ahaa Al Shabaab islamarkaana tagay ku dhawaad 100 magaalo oo ciidamada Al Shabaab ay qaarkood weeraro kala duwan ay ka geysteen.

Ruuxaan ciidamada amaanka ay qabteen ayaa la sheegay inuu ka haray bas ka dhex shaqeeya magaalooyinka Nairobi iyo Mandheere ee dalka Kenya, waxaana xiligaasi kadib ruuxa la sheegay inuu dadka weydiinayay jihada Soomaaliya loosoo galo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka ee la dagaalanka Argagixisada oo lagu magacaabo Elijah Nakeel ayaa sheegay in ruuxaasi xabsiga lagu heyn doono muddo 7 maalin ah si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo.

Buugyar oo uu watay ayuu sarkaalkaasi sheegay in lagu arkay magacyada 100 Magaalo oo ku yaalla Kenya oo uu booqday, sidoo kale ma wadan Taleefan taas oo iyana shakiga sii xoojisay.

Elijah Nakeel, ayaa sheegay in inkasta oo Ninkan ay baaris ku wadaan haddana rumeysanyihiin in uu yahay sirdoon u shaqeeya AL-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response