Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda gobolka Mudug wararka naga soo garaya waxa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ay xabsiga dhigeen Wariye Axmed Khaliif Geedi oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howlgalla Gaalkacyo.
Sidda ay u xaqiijiyeen SHabakada Reegaay.com Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo Axmed Khaliif Geedi hadda waxaa uu ka tirsanaa Tv-ga lagu Magacaabo RTN.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay wariyaha ku heystaan War uu dhawaan baahiyay oo ku saabsanaa Isbaarooyin la dhigtay inta u dhaxeysa Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale degmada Galinsoor.