Ajendayasha looga hadlayo Shirka Meertada 32-aad ee Madaxda Carbeed oo la soo bandhigay

by admin | Friday, May 19, 2023 | 196 views

Hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta (Arab League) ayaa waxay maanta oo Jimco ah Kulankoodii 32-aad ku leeyihiin magaalladda Jeddah ee Galbeedka dalka Sacuudiga.

Madaxda ku cusub Ka-qeybgalka Shirarka Carbeed waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Syria, Dr. Bashaar Xaafid Al-asad oo dalkiisa dibed-joog ka ahaa Xayndaabka Carbeed tan iyo sanadkii 2011-kii oo ay dalkaasi ka bilowdeen Dibadbaxyo isku bedelay Dagaal lagu hoobtay.

Xoghayaha Guud ee Ururka JC, Axmed Abu Qeyd waxa uu sheegay in Shirka Carbeed ee Jeddah muujinayso Soo-laabashada buuxda ee dalka Syria ee Ururka Carbeed, isla markaana ay taasi fududeynayso Xalka Colaada ka jirta dalkaasi.

Dowladda Qatar ayaa ka biyo diidsan inuu Madaxweynaha dalka Syria dib uga soo muuqdo Madasha Shirka Madaxda Carbeed, mana muuqato inuu Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim ka soo qeyb geli doono Shirka Jeddah.

Dhanka kale, Dowladda Lubnaan oo aan weli la dooranin Madaxweyne cusub ayaa waxaa marnaan doona Kursiga Maamuuska Madaxweyne ee Shirkaasi.

Ilo-wareedyo Siyaasadeed ayaa sheegay inay Madaxda Carbeed ansixin doonaan 32 Mashruuc Qaraar hor yaalla Shirkooda 32-aad, waxaana ka mid ah:

¤Qaddiyadda Falastiin iyo Dhacdooyinkii Israel ka geysatay Deegaanada Marinka Qasa iyo Daanta Galbeed

¤ Xiisadaha Colaadeed ee ka socda dalka Sudan Sudan dadaalka socda ee Carbeed ee lagu gaari lahaa Xabbad-Joojin waarta oo ka dhaqan gasha caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

¤ ku-soo-laanashada Syria ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo Doorka Carbeed ee Dib–u-dhiska dalkaasi ku burburay dagaallada

¤ Xaalladda dalka Lubnaan, Marnaanshaha xilka Madaxweyne Xaallada Dhaqaale ee dalkaasi iyo Xaallada Maciishad ee ay ku sugan yihiin Qaxootiga Suuryaanka iyo Falastiiniyiinta.

¤ Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta waxay kaloo ka arrinsan doonaan Xaalladaha ka taagan dalalka Yemen, Somalia iyo Libya

¤ Madaxda Carbeed waxay kaloo ka hadli doonaan Qoddobo ku xiriirsan Iskaashiga Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Isbedelka Cimilada iyo Amniga Guud ee Qowmiyadda Carbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response