Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

by admin | Friday, May 19, 2023 | 175 views

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah oo hubeysnaa ayaa waxaa ay meelo kamid ah dalkaasi kudileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Dhalinyarada ka Shaqeysata dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa Alle ha u naxariistee oo lagu Magacaabi jiray Daahir Cali Xuseen ayaa burcadda hubeysan ay ku dileen dukaan uu ka Shaqeeysanayay oo ku yaala xaafada Samora michael ee Hoostagta deegaanka Philippi ee magaalada Cape Town.

Mid kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu falka ka dhacay ayaa Warbaahinta sheegay in kooxaha burcadda ah ay sidoo kale dhac u geeysteen dukaanka iyago marka kadib isaga baxsaday goobta.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Magaalada Capo Town oo gaaray dukaanka uu falka dilka ka dhacay ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo burcadii ka dambeeysay, kuwaas oo halkaasi ka sameeyay howlgallo xoogan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba si joogta ah uga dhaca, dilka, dhaawaca iyo Boobka lagu haayo Soomaalida, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid xil iska saartay waxka qabashada falalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response