Isimada Dhaqanka oo xal ka gaaray Shaqaaqadii ka dhacday Garoowe

by admin | Friday, May 19, 2023 | 193 views

Waxaa xal laga gaaray Shaqaaqadii habeeno ka hor Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku dhexmartay Ciidamo a wada tirsan Puntland, balse kala taageersan hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Siyaasiyiinta mucaaradka.

Isimada Dhaqanka SSC ayaa u kacay xal ka gaarista Shaqaaqadaas, iyaga oo ku guuleystay inay la kulmaan laabda dhinac, sida Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Garaad Jaamac Garaad Ismaacil oo kamid ah Dhaqanka Gobolada SSC ayaa sheegay inay Madaxweyne Deni ugu tageen Magaalada Qardho ayna meel wax isla dhigeen.

Wuxuu sheegay in ay la wareegeen Isimada dhaqanka Gobolada SSC xal ka gaarista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Garoowe, isla markaana ay ku guuleysteen, balse wixii wada-hadallo kale ah dib la isugu soo laaban doono doorashada.

Hadalkan kasoo yeeray Garaad Jaamac Garaad Ismaacil oo kamid ah Dhaqanka Gobolada SSC ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Xeer ilaaliyaha Puntland uu shaacyay Magacyada Afar siyaasi oo uu sheegay inay ku lug lahaayeen shaqaaqada loona jaray waran soo qabasho ah.

Like it? Share it!

Leave A Response