Qaxooti Soomaali horleh oo gaaray Xeraha Kenya iyo dib u dejin loo sameeynayo

by admin | Friday, May 19, 2023 | 210 views

Qaxootiga ugu horreeyay ayaa lagu wadaa in 24-ka Bishan la dajiyo xerada IFO 2, oo dowladda Kenya iyo hay’adda UNCHR ay shaaciyeen in la geyn doono qaxootiga dhawaan soo galay xeryahaasi, kuwaas oo ka barakacay Soomaaliya.

Qaxootigaan oo tira ahaan ka badan 130,000 oo badankood ka soo barakacay abaaraha Soomaaliya iyo colaadaha kajira ayaa dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan meelo kamid ah dalka Kenya, hayeeshee dhawaan dib u dejin loo sameyn doono.

Guddoomiyaha Xerada Dhaqgaxleey Cabdullaahi Cali Aadan Geedow oo sharaxaad ka bixiyay qaxootigaan cusub ee la dejinayo xerada IFO 2 iyo baahiyaha kala duwan ee heysta ayaa sheegay in Hay’adda UNCHR kaliya ay howlahaas fulineyso.

Bilihii la oo dhaafay ayaa waxaa xerooyinka kuyaalla dalka Kenya waxaa kusii qul qulayay qaxooti Soomaali ah oo cusub, kuwaas oo ka cararay abaaraha kajiray dalka iyo dagaallada dhexmarayay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response