Al Shabaab oo la wareegay deegaan ciidamada DF muddo ku qaadatay inay xureeyaan

by admin | Monday, Mar 18, 2019 | 1111 views

Al Shabaab ayaa shaaciyay inay la wareegay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, deegaankaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa qaatay muddo maalmo ah in ciidamada dowladda Soomaaiya ay la wareegaan, waxaana ay kula dagaalameen Al Shabaab, balse Al Shabaab ayaa si sahlan dib ula wareegay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay isaga baxay deegaankaasi, waxaana ay sheegeen inay ku dhacday mushaar la’aan sababtay inay isaga baxaan deegaanka Dhanaane.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku waramaya in Al-Shabaab ay deegaanka Dhanaane ku sugan yihiin, isla markaana ay fariisin ka dhigteen goobihii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada kasoo baxay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa cabashada ay muujiyeen waxaa ka jawaabay wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya.

War-Saxaafadeed siwadajir ah uga soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka uu ku socdo tirakoob, isla markaana ciidamada la tirakoobay ay mushaarkooda qaateen kuwa kalena lasiin doono markii la tirakoobo.

Like it? Share it!

Leave A Response