AMISOM oo Ciidankeeda u furtay tababaro ku saabsan ka hortaga Coronavirus.

by admin | Thursday, Mar 12, 2020 | 687 views

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo AMISOM ayaa bilaabay tababaro la xariira sida looga hortago Caabuqa Coronavirus ee sii fidaya Caalamaka.

Taliyaha Hoggaanka Adeegga Caafimaadka ee Ciiddanka Uganda, Jeneral Ambrose Musinguzi ayaa Tababarkaasi ka furay Xarunta Baarista Xanuunadda ee Mubuya, wuxuuna  Wasaaradda Caafimaadka ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay Ciioddanka Caafimaadka u tababaraan Khibradaha looga hortegi karo Caabuqa Koronafayriska ee khatarta ku haya dalalka Caalamka.

Waxa uu intaasi ku daray in Ciiddanka Uganda qeyb ka tahay Waajibaadkooda shaqo ina y ka fal-celiyaan Gurmadka Degdegga iyo Taageeradda si dadka loo badbaadiyo Caabuqa Coronavirus.

Taliyaha Hoggaanka Adeegga Caafimaadka ee Ciiddanka Uganda, Jeneral Ambrose Musinguzi waxa uu xusay in xubno ka tirsan Ciiddanka la tababarayo loo soo diri doono Soomaaliya, si ay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM uga wacyi-geliyaan Khatarta Caabuqa Koronafayriska.

Dowladda Uganda ayaa leh Ciidanka ugu badan ee ka qaybqa howlgalka lagula dagaamayo Al Shabaab in ka badan 10 sano oo Xariir ah ka socda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response