Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Waxa magaalada Muqdisho ka bilowday ololaha lagu buuxinaayo Kursiga u iska casilay Ex Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Kursiga uu baneeyay Jawaari ayaa waxaa u taagan Musharaxiin dhowr ah, oo iminkaba bilaabay dadaalkii ay uga qeybqaadan lahaayen liiska Musharaxiinta u taagan xilkaasi. Musharaxiinta u taagan Kursiga ayaa waxaa ku jira...

Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya. Raysal wasaaraha Britain, Theresa May oo iyaduna ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in weerarada...

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo. Guddoomiyaha oo booqday Xarunta Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho...

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa si kulul loogu cambaareeyay Qarixii ka dhacay Garoon Kubadda lagu cayaaro oo ku yaalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed. Wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar ayaa ku celcelinaysa sida ay ugu soo horjeedo isla markaana u diidan tahay rabshadaha gacan ka hadalka ah ee argagaxisada...

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socota qaban qaabada munaasabadda uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Cabdulahi Axmed Maalin. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo munaasabadda. waxaa  lagu wadaa in ay  goordhow  dhacdo munaasabadaas. ...

Waxaa Maalintii lixaad  Xiran Garoonka Diyaaradaha ugu weyn Gobolka Hiiraan ee k u yaalla Magaalad Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas. Xeritaanka Garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ayaa loo sababeynayaa in ay biyo farabadan fariisteen Garoonka ka dib markii Magaalada Baladweyne uu ka Da’ay Roobkii Guga .   Bulshada Baladweyne ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen...

 Waxaa maanta ka duulaya Magaalada Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sii jeeda Ka qeybgalka Shirka 29aad ee Jaamacada Carabta. Shirkan oo lagu qabanayo Magaalada Riyaadh ee Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa dadka Madaxweynaha ku wehlinaya ka qeybgalkiisa, Waxaa kamid ah Wasiirka arimaha dibeda Somaliya Axmed Ciise...

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi ka socda Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dr Xuseen cabdi Cilmi. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyey Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya. Wafdiga...

Maamulka Hirshabeelle ayaa xilka kanqaaday Taliyihii Nabad Sugida gobolka Hiiraan,waxaana la magacaabay taliye cusub. Taliyaha Nabad Sugida maamulka Hirshabeelle oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa xilka ka qaaday taliyaha Nabad Sugida gobolka Hiiraan C/qaadir Maxamed Abuukar (Dhagaweeyne). Taliyaha Nabad Sugida gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cabdi Maxamed Cali...