Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne Oo Maalintii Lixaad Xeran{Sawiro}

by admin | Friday, Apr 13, 2018 | 1490 views

Waxaa Maalintii lixaad  Xiran Garoonka Diyaaradaha ugu weyn Gobolka Hiiraan ee k u yaalla Magaalad Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas.

Xeritaanka Garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ayaa loo sababeynayaa in ay biyo farabadan fariisteen Garoonka ka dib markii Magaalada Baladweyne uu ka Da’ay Roobkii Guga .

 

Bulshada Baladweyne ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in dhamaan Albaabada la iskugu dhuftay Xafiisyada Diyaaradaha Magaalada Baladweyne ay ku leeyihiin maadaama Garoonka uusan Shaqeyneynin.

Ugu dambeyn waxaa la sheegay in qofkii raba Baladweyne uu Diyaarada uga soo degayo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ugu dambeyna uu Gaari ka soo raacayo si uu ku soo galo Gobolka Hiiraan.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response