Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda Sucuudiga.

by admin | Friday, Apr 13, 2018 | 1203 views
 Waxaa maanta ka duulaya Magaalada Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sii jeeda Ka qeybgalka Shirka 29aad ee Jaamacada Carabta.
Shirkan oo lagu qabanayo Magaalada Riyaadh ee Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa dadka Madaxweynaha ku wehlinaya ka qeybgalkiisa, Waxaa kamid ah Wasiirka arimaha dibeda Somaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiir Cawad ayaa isaga Habeen ka hor gaaray Riyaadh, Wuxuuna ka qeybgalay shirkii loogu gogol xaaray midka Hogaamiyayaasha Carabta.
Marka uu shirka Dhamaado Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato qaar Kamid ah Madaxda Dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta ee Shirka Joogta, Wuxuuna kala hadli doonaa xiriirkooda iyo sidii loo xoojin lahaa.
Boqortooyada Sucuudi carabiya ayaa wada dadaalo ku aadan sidii ay isugu keeni leheyd Madaxda Dalalka Somaliya iyo Imaaraatka Carabta oo markan xiriirkooda meeshii ugu hooseysay marayo, Wararka qaar ayaa sheegaya in la wada hadalsiin doono labada dhinac si xal loogu dayo Xiriirkooda.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, Waxaa Axadii ina dhaaftay lagu qabtay Boorsooyin ay ku jireen 9.6 Milyan oo Doolar, Lacagtaas oo usocotay Safaaraa Imaaraatka Carabta ayaa waxaa lagu shubay bankiga Dhexe kadib markii looga shakiyay in dano kale lagu fulinayo, Imaaraatka waxey hore usheegeen in lacagahaasi ay ahaayeen Mushaaraadka Ciidamada Dowladda iyo kuwa bada Puntland oo ay gacanta ku hayaan.
Balse Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Janaraal C/Wali Gorod ayaa sheegay in Mushaaraadka ciidanka aysan ka badneyn hal milyan oo Doolar.
Imaaraadku waxay Hada bilaabeen olole cusub oo Twitter oo halku dhig looga dhigay Qatar waxay ku cayaareysaa Nabadgelyada Soomaaliya”
Like it? Share it!

Leave A Response