Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay 13 Wasiir kuwaas oo isugu jira Wasiirro,wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal. Waxaa ay kala yihiin 6 Wasiir, 5 wasiir ku xigeen iyo labo wasiiru dowle, kuwaas oo ka mid noqonaya xukuumadda Xasan Cali Kheyre. Wasiirrada waxaa ka mid ah Xamze Siciid Xamze oo loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo...

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa  sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka caga jiidayo wada hadal uu la galo Madaxda Dalka Imaaraadka. Madaxweyne ayaa dhowr jeer codsiyo ku saabsan sidii la isku soo hor fariisin lahaa madaxda labada dowladood ka helay Boqortooyada Sacuudiga laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu aqbalo. Madaxweynaha...

Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka furmo shirka shaqaalaha Aduunka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda ILO, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya eedeymo la xiriira habka dowladda Soomaaliya ay u maamushay wafdiga uga qeybgali doona shirka dhinaca Soomaaliya. Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada dalka oo...

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Dabley hubeysan ayaa fiidnimadii caawa waxa ay magaaladaasi ku dileen xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa waxa ay rasaas ku boobeen xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray C/xakiin Macalin Daahir, kaasi oo fadhiyay afaafka hore ee Hotel Classic...

Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle bilaabay in uu karkaarada jabsado, isaga oo biyo badan dibeda u soo saaray kuwaa ka sare maray Buundada degmada. Dadka ku dhaqan degmada ayaa hadda wajahaya fatahaad iyo daadad ka dhasha Wabiga Shabeelle oo buux –dhaafay, hasse ahaatee ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax...

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in maanta uu dib u bilowday Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada dalka. Wasaaradda Waxbrashada ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku sheegtay inuu baaqday imtixaanaadkii shalay oo Axad aheyd la geli lahaa, sababo la xiriira in magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar ee dalka ay ka Da’een Roobab...

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen Fatahaada ku dhuftay gudaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Fatahaadii ku dhuftay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay ku barakaceen kumanaan qof oo hadda u baahan gargaar deg deg ah. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir gaar ahaan halka loo yaqaano Dabaqeynka, waxaa caawa ka dhacay dil ay geysteen Dabley ku hubeysnaa Bastoolado. Dadka degaanka ayaa u sheegay shabakada Reegaay.com  in salaadii maqrib kadib ee caawa degmada Dharkeynley lagu dilay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan Sulub oo  Kaabe u...

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiey xaaladda saameynta roobabkii xalay ilaa iyo maanta ka da’ayey caasimadda Muqdisho. Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in 6 qof ay ku geeriyoodeen isla markaasna 301 guri ay biyo galeen halka qaar kalana ay dumeen. Duqa Muqdisho oo warsaxaafadeed ku qabtay...