Soomaaliya iyo QM oo dalbaday $80 million oo deg deg ah

by admin | Monday, May 21, 2018 | 1044 views

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen Fatahaada ku dhuftay gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Fatahaadii ku dhuftay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay ku barakaceen kumanaan qof oo hadda u baahan gargaar deg deg ah.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA)  waxaa uu sheegay dhankiisa  in roobabkii ka da’ay Soomaaliya  in ay sababeen fatahaadahii ugu badneyd muddo 30 sano ah.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay Xafiisku in ay jiraan Khasaare ballaaran  sidda naf ,maal , barakac, burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya , waxaana uu Beesha Caalamka ugu baaqay in ay bixiyaan 80 Milyan si wax looga qabto dhibaatadda.

Dadka wax ku noqday  waxaa lagu qiyaasay 750,000 halka dadka barakacaaysha ay gaarayaan ilaa 229,000 oo qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo kala duwan oo lagu caawinaayo dadka dhibaateysan.

Like it? Share it!

Leave A Response