Xildhibaan caawa lagu toogtay Gaalkacyo.

by admin | Wednesday, May 23, 2018 | 958 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Dabley hubeysan ayaa fiidnimadii caawa waxa ay magaaladaasi ku dileen xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa waxa ay rasaas ku boobeen xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray C/xakiin Macalin Daahir, kaasi oo fadhiyay afaafka hore ee Hotel Classic oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanka ayaa marka hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaal ku yaalla magaalada, iyada oo markii dambe dhaawacii soo gaaray u geeryooday, sidoo kale weerarkan waxaa lagu dilay askari ka mid ahaa ilaalada xildhibaanka, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyay ragga toogtay xildhibaanka in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, ciidanka ammaanka Puntland-na ay ku daba jiraan, gacantana lagu soo dhigi doono.

Masuuliyiinta qaar ee Puntland ayaa durba ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan C/xakiin Macalin Daahir, waxayna masuuliyiinta ku amreen saraakiisha ammaanka in ay gacanta ku soo dhigaan ragga dilka geystay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka jirta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug gaar ahaan qeybta Puntland, waana dilkii ugu horeeyay ee ka dhaca Gaalkacyo tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response