Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Militariga Uganda ayaa ka hadlay askari ka mida Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda oo Isniintii saddex askari ku dilay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Askarigan ayaa la sheegay in marka hore uu toogasho ku dilay nin askari ahaa, k dibna uu rasaas huwiyay askar kale oo dhawaqa rasaastaasi ku soo baxday. Afhayeenka Ciidanka Lugta ee Uganda,...

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay kordheen khasaaraha ka dhashay qaraxyo is-miidaamin ahaa oo ay saaka aroortii hore kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday gudaha degmada Maxaas oo ka tirsan gobolkaasi. Qaraxyado oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan. Inta...

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan oo Mucaaradka u fasaxday Isu soo baxa siyaasadeed. Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa xayiraadda isu soo baxa siyaasadeed ah ka qaaday mucaaradka oo 6dii sano u dambeysay aanay sameyn jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo muuqda oo ay usoo bandhigeen taageerayaashooda. Marwo Samia Hassan ayaa sheegtay in mas’uuliyadda nabadgalyada...

Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (The Institute for Economics and Peace) ayaa soo saaray Daraasaad-sanadeedka Qiimaynta dalalka ugu Amaanka iyo Nabadda badnaa Caalamka sanadkii la soo dhaafay ee 2022-kii. Warbixinta Tusmada heerarka Qiimaynta Amaanka Caalamka (The Global Peace Index) ayaa waxaa lagu eegay Guud ahaan 163 dal, iyadoo Daraasada diirada lagu saaray Nabadda,...

Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa Gaalkacyo ka geystay tacshiirad ay ku geeriyoodeen labo qof oo shacab ah, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Falkaan oo dhacay xalay ayaa lagu dilay Burhaan Jaamac Cimi iyo Farxaan Nasar, waxaana la sheegay in lagu dilay goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen. Ma jirto cid ka hadashay falkaan oo saakay laga hadal hayo magaalada Gaalkacyo. Warar...

Afhayeenka asaaradda Difaaca ee Raashiya, Igor Konashenkov oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay burburiyeen 2 madaafiicda Goobta, ee nooca lagu farsameeyey Maraykanka ee HIMARS, kuwaasi oo qeyb ah Gantaalada loogu deeqay Ciiddanka Ukraine. Waxa uu tilmaamay in duqeymo lagu burburiyey Gantaalladaasi oo yaallay meel ku dhow Gobalka Donetsk ee Bariga dalka Ukraine. Ciiddanka...

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba qarax oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay magaalada oo dhan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaan ay ahaayeen kuwa ismiidaamin ah isla-markaana loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa. Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxyadan lala...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay xal ka gaadho qalalaasaha Laascaanood, waxaana uu digniin u diray dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Madaxweynaha oo kasoo baxay shir lagaga tashanayay xaalada Laascaanood, ayaa sheegay in Somaliland ku filantahay xalinta mushkilada Laascaanood, isagoo markale tacsi u diray...

Waxaa weli xaalad kacsanaan ah kajirtaa Magaalada laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo muddo toban cisho ah ay ka socdaan bannaanbaxyo rabshado wata. Xalay saqdii dhexe waxaa dagaal xoogan u ka dhacay Magaalada laas-Caanood, kadib markii maleeshiyaad degaanka ay weerareen Saldhig Ciidamada Booliska & Millateriga Somaliland ku leeyihiin Xaafada Durdur ee...

Howlgal ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa laga sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan gaar ahaan deegaanada dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Howlagalkaan oo ay sameeyeeen ciidamada dib u xoreynta deegaanka ayaa waxa ay kula wareegeen degaanka buq-matoor oo 60 km dhanka galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne...