Degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo lagala wareegay Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Jan 3, 2023 | 237 views

Howlgal ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa laga sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan gaar ahaan deegaanada dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Howlagalkaan oo ay sameeyeeen ciidamada dib u xoreynta deegaanka ayaa waxa ay kula wareegeen degaanka buq-matoor oo 60 km dhanka galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka hiiraan kadib markii weerar qorsheeysan oo ay ku qaadeen degaankaas oo ay fariisin ku lahaayeen Al-Shabaab.

Dagaal Kooban oo ka dhacay degankaas ayaa u Suurgashay ciidamada inay la wareegaan sida ay sheegeen saraakiisha hogamineysay ciidamada degaanka ee howlgalkan fuliyay.

Deegaanka Buq-matoor ee galbeedka Beledweyne ayaa kamid ah degaanada ay Al-Shabaab ka joogeen gobolka hiiraan ee maamulka Hir-Shabeelle, waxaana ciidamadu ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan ciidamadu kuwaas oo ay tilmaameen inay ku sugayaan amniga degaanka, waxa ay sidoo kale tilmaameen in howlgaladu sii socon doonaan inta Al-Shabaab ay ka saarayaan qeybaha ay kaga harsanyihiin gobalka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response