Dagaal ka dhacay Magaalada laas-caanood iyo xaalad kascsanaan ah oo kajirta

by admin | Tuesday, Jan 3, 2023 | 126 views

Waxaa weli xaalad kacsanaan ah kajirtaa Magaalada laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo muddo toban cisho ah ay ka socdaan bannaanbaxyo rabshado wata.

Xalay saqdii dhexe waxaa dagaal xoogan u ka dhacay Magaalada laas-Caanood, kadib markii maleeshiyaad degaanka ay weerareen Saldhig Ciidamada Booliska & Millateriga Somaliland ku leeyihiin Xaafada Durdur ee Magaalada laas-caanood.

Dagaalka ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan inay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo Shacab ah, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka magaalada laas-caanood.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada laas-Canod ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda weli ay taha mid kacsan, isla markaana ay xiran yihiin Goobaha Ganacsiga iyo waxbarashada.

Wararka kale ee heshay warbaahinta ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ay Magaalada laas-Caanood tegi doonaan Wasiiro katirsan Xukuumadda Somaliland, si ay xal ugu raadiyaan dhibaatada ka taagan laas-caanood.

Like it? Share it!

Leave A Response