Ukraine oo daroon ku duqeysay xarun Tamarta ee gudaha dalka Ruushka

by admin | Tuesday, Jan 3, 2023 | 167 views

Ciiddanka Ukraine waxay Diyaarad nooca Daroonka ku duqeeyeen Xarun Koranto oo ku taalla Gobalka Bryansk ee dalka Raashiya, taas oo keeneysa in uu sii xoogeysto dagaalka u dhaxeeya labada dal.

Qoraal uu Aleksandr Bogomaz soo dhigay Barta uu ku leeyahay Telegram waxa uu ku xusay inay Diyaarad Daroonka beegsatay Xarunta Korantada ee Degmadda Klimovsky oo u dhow xuduudka ay wadaagaan Raashiya iyo Ukraine.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin khasaaro nafeed, inkastoo uu dab ka kacay Xarunta Korantada ee la duqeeyey.

Alaleksandr Bogomaz waxa kale oo uu sheegay inay Duqeyntaasi koronto la’aan ka dhigtay tuullo u dhow goobta la duqeeyey, iyadoo Isbitaal iyo xarumo kale oo muhiim ah loo xiriiriyey layn koronto oo kayd ahaa.

Tan iyo markii uu bilowday Duullaankii Raashiya ku galeen dalka Ukraine bishii February 24-dii ee sanadkii hore waxay Ciiddanka Ukraine qaadeen tiro weeraro Madaafiic iyo Daroonis ah, oo ay la beegsadeen Goballada Raashiya ee Bryansk, Belgorod iyo Kursk ee u dhow xuduudka labada Waddan.

Like it? Share it!

Leave A Response